Waa maxay jinsiga siman micnihiisa dhabta?

 Waa maxay jinsiga siman dhab ahaantii?


Waxaan halkaan kaga hadli doonaa waxaa loola jeedo jinsiga siman ama "gender equal" waxaan idin rajaynaa inaad si fiican uga boggan doontaan micnaha jinsiga siman;


Jinsiga siman ama gender equal waxaa weeye hab-dhaqan laga soo miin-guuriyay wadamadda reer galbeedka ugu horeeyo Mareykanka taasoo loogu doodayo jinsiga siman ama laba isku jinsi ah oo isku galmoon kara haddii sikale aan u dhigo malahan lam iyo dhidig ama kuma xirna in laba jinsi oo kale gedisan isku tagi karaan ama mid sharci la isla ogolyahay haku dhisnaado ama mid wada noolaasho ah ama loo yaqaano "shared living".


Waxaa jira dad u ololeeya ama hay'ado u dooda xuquuqda jinsiga ama "gender rights" oo laga wado wadama weli aysan kajirin ama lagu aqoon ha u badnaadaane wadamada islaamka iyadoo loo hoos gelinaaya xuquuq raadis ama sinaan lakiin sidaas way ku duwan tahay ujeedada laga leeyahay, run ahaantii waa mab'da ama qiyaam ama dhaqan ladoona in wadama islaamka in loogu faafiyo dhaqanka ah in laba isku jinsi ah isku galmoon karaan ama isguursan garaan sida wadama qaar ee reer galmeedka ayba ka jirto haatan.


Micnaha laba isku jinsiga ahayn tusaale laba rag ah ma is guursan karaan ama sidee suuragal ku tahay in laba dumar ah isguursadaan? Waa su'aal laga yaabo in aad maskaxdaada ka guuxaysa ama aad isweydiinaysid.. 


1) waa caadi ka ah ama dhaqan wadamadda reer galbeedka in laba rag ah isku guursan karaan ama nolol wadaag noqon karaan iyadoo qaarkood lagu sameeyo qaliin ama la suurad baddalo qofka sidaasina jinsigiisa lam'ahaaneeyd isku baddalo. 


2) sidoo kale waxaa caadi ka ah ama dhaqan ahaan wadamadda reer galbeedka u leeyihiin in si lamid ah sida ragga dumarkana isku guursan karaan iyadoo lagama maarmaan tahay in la suurad baddalo balse ay isticmaali karto wax yaalo markaasi ka caawin kara hawl gudashadeeda . 


Marka intaas uga soo gudbo ee waxaa loogu yeero gender equal ama jinsiga siman wuxuu yahay ama loola jeedo sikasta haloo adeegsadee iyadoo isla mabda'ii uun yahay ama isla guri geeyntii..

Waxaa jira dad badan oo weli fahamsanayn micnaha dhabta ah ee waxaa loogu yeero xuquuqda jinsiga eena loo baahan yahay in si qoto-dheer loo fahmo waxaa ku hoos tuugan iyo ujeedka laga leeyahay ka hor inta laga qayb qaadan ololaha lagu doonayo in lagu dhaqangeli dhaqankaas foosha xun ahna mid lid ku ah diinta islaamka iyo qiyaamkeeda jiritaanka.. 


Alle swt quraankiisa ayuu ku sheegay in labadii isku jinsi ahayn oo isku galmoota ciqaabta ay mutaysan doonaan iyo waxaa looga baahan yahay dadka muslimka ah inay ka yiraahdaan markaasi.. 


Haddaan tusaale yar aan ka bixiyo mudooyinkaan danbe waxaa dalkeena soomaaliya kusoo badanaya ololahaas oo ay ugu danbeeyay kii dorraad la horkeensy baarlamaanka lana rabay in laga meel'-maryo oo laga ansixiyo inkastoo ay dhicin weli lala sugaaya fursad ma uun lagu meel maryo kaasoo ay dabada ay ka riixxayaan qolo u adeegta qaar ka mid ah wadama reer galbeedka oo ku sifoobay in Diinta iyo jiritaan Islaamka la oryaamiyo..



----------------------'-----Dhammaad-----------------


WAAD KU MAHADSANTAHAY AQRINTAADA ::



 

Comments